MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa xalay dab ka kacay Goobo Ganacsi oo ku yaal Xaafada Say-biyaano ee Magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare hantiyeed.

Dad goob joogayaal ah ayaa u sheegay Universal Tv in dabku ka kacay koronto islamarkaana uu qabsaday goobo Ganacsi.

Advertisement

Sidoo kale waxay sheegeen goob joogayaashu in dhibaatada ugu weyn uu gaaray Tukaan,Carwooyin  iyo Farmashi kuwaasoo bas Beeley.

Gurmad ay dadka deegaanku sameeyeen ayaa ugu danbeyn Alle u sahlay inay dabka bakhtijiyaan.

Qof ka mida dadka ku hanti beelay oo la hadlaayay Universal Tv ayaa u sheegay in wixii hanti uu heystay ay caawa ku baaba’een dabka marka laga reebo inta deynka ku maqan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

 

Previous articleHambalyada Maalinta Raadiyaha Adduunka iyo Xukuumada Dan-qaran
Next articleMakaanik iyo Tareenkii Rakaab xume

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here