Dab xooggan la soo sheegayaa inuu ka kacay suuqa S Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi gaar ahaan daarta Yara Balaca oo ku taal isgoyska 12 Street.
wali wax xog ah kama helin sababta dabka dhalisay waxaase la arkayaa qiiq iyo uuro madow ka baxaya daarta oo ganacsi badan oo kala duwan ay ku leeyihin Soomaalida.
Guud ahaan Xaafada Islii waa halka ay taal hantida Soomaalida inta ugu badan inkastoo Kenya guud ahaan Soomaalidu ganacsi ku wada leedahay sida Magaalooyinka waa weyn oo kale.
Koxoaha Gurmadka Degdega ee bakhtiiya Dabka marka uu kaco ayaa la wacay kuwaasoo lagu wado inay goobta soo gaaraan si ay dabka u bamiyaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
