GARISA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka loo yaqaan Waqooyi Bari-Kenya ayaa sheegaya in saaka 6-dii aroornimo uu dab xoogan qabsaday suuqa ugu weyn Magaalada Garisa.
Dabkaan oo aan wali la cadeyn sababtii uu ka bilowday ayaa baab’isay qeybo ka mid ah suuqaasi iyadoo sawirada ka soo baxaya ay muujinayaan burburka dabkaasi suuqa gaarsiiyay.
Dadka deegaanka iyo dadka meheradaha leh ayaa sheegay in ay ku baraarugeen qiic badan iyo holac aad u xoogan, iyadoo dabka uu si degdeg ah ugu faafay suuqa.
Suuqaan weyn oo loo yaqaan Suuq Mugdi waxaa markii danbe soo gaaray kooxaha gurmadka dedega ee loo yaqaan dab-damiska iyo ciidamada Booliiska kuwaasoo iyaga iyo shacabka oo iskaashanaya ay dadaal badan u galeen sidii dablka loo bakhtiijin lahaa walow uu in badan galaaftay.
Dhanka khasaaraha hantiyeed  wali lama qiimeyn ee ka dhashay dabkaani oo socday dhowr saacadood xili aysan jirin wax khasaare nafeed ah oo ilaa iminka la soo wariyay.
Sedex sano ka hor 2022-kii ayuu sidaan oo kale dab ka kacay isla suuqaan Gaarisa kaasoo galaaftay hanti badan oo dad danyara ay lahaayeen iyo dad wax heysta intaba.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM





