HomeWarkiiDab xooggan oo dhimsho sababay oo ka kacay suuq-bacaad

Dab xooggan oo dhimsho sababay oo ka kacay suuq-bacaad

May be an image of fireMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dab xooggan oo sababay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed ayaa ka socda caawa suuq-bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn Somalia waxaana hada xaalada ku howlan gaadidika gurmadka degdega ee Gobolka Banaadir ama loo yaqaan dab-damiska.

Cunug yar oo lix jir ayaa ku dhimatay dabkaani sidoo kale waxaa ku hanti-beelay ganacsato badan kadib markii dabku suuqa ku faafay islamarkana holac badan uu qabsaday qeybo badan oo suuqa ah.

Daba wuxuu ka bilowday Guryo nuuca isku raranka loo yaqaan oo ku dhaw suuq-bacaad kadibna suuqa ayuu gaaray markaasoo uu isqabasaday suuqa qeybo badan oo ka mid ah.

Gawaaridii Dab-damis-ka oo markii hore waayey meel ay maraan ayaa sida markii danbe ku guuleystay inay xakameeyaan dabka xowliga ku socday sida uu goor dhaw shaaciyay maamulka Gobolka Banaadir.

“Waaxda Dab-Damiska Maamulka Gobolka Banaadir ayaa goordhow ku guuleestay in la hakiyo faafitaanka dab xoogan muddo saacado ah ka socdo Suuqa 2aad ee ugu weyn Soomaaliya ee Suuq Bacaad,waxaana weli socda dadaalo xooggan oo lagu daminayo dabka, waxaana sidoo kale goobta goordhow gaaray mas’uuliyiin ka socda Maamulka Gobolka Banaadir”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COMMay be an image of 2 people, fire and crowdMay be an image of 2 people, fire and textNo description available.No description available.No description available.No description available.May be an image of fire
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -