Moqokori: 11,September, 2023: Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar oo maanta kulan bulsho la qaatay Maamulka Degmada Moqokori, Waxgaradka, Dhalinyarada iyo Saraakiisha Amniga ayaa iska xog wareystay xaaladaha guud ee Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.
Kulankaan ayaa diirada lagu saaray arrimaha amniga, baaahiyaha horumarineed ee ka jira degmada, mashaaricda la filayo iyo sidii loo xoojin lahaa dardargalinta la dagaalanka kooxda Khawaarijta ah ee alshabaab.
Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle oo kulankaan ay ku wehliyeen Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Taliyaha Qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Masuuliyiin kale ayaa sheegay in la joogo waqtigii la soo afjari lahaa cadowgaan dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed sidoo kalana la garab istaago geesiyaasha Xoogga dalka iyo Kuwa deegaanka ee la dagaalamaya khawaarijta.
-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADD HIRSHABEELLE
May be an image of 1 person, beard and smilingMay be an image of 13 peopleMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 11 people and daisMay be an image of 11 people and daisMay be an image of 4 peopleMay be an image of 7 people, people studying and textMay be an image of 9 people and textMay be an image of 1 person and smilingMay be an image of 1 personMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 8 people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here