Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay in uu dhammeeyo duruufaha Madaxweynaha Dowlad-Goboleedkaas kahor-taagnaa in uu tago Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan.

Xildhibaannada damacsan difaacashada kuraasta ay ku fadhiyaan & musharixiinta ku hamineysa in ay u tartamaan ee Deegaan Doorashadoodu tahay Magaalada Baladweyne waxa uu Yuusuf Dabageed usoo jeediyay in ay u u diyaar garoobaan Doorashadaas.

“Baladweyne kuraasta ugu badan way taallaa, waxyaabii jiray waan soo dhammeeyay, Madaxweynaha wuu tagaa wuuna daah-furaa Doorashada Golaha Shacabka, haddii uu tagana howsha ayaa bilaabaneysa” Waa sida uu yiri Yuusuf Dabageed.

“Dadka Doorashada u aadayo Baladweyne ee aaminsan in uusan Madaxweynaha tageen waxa aan leeyahay wuu tagayaa oo isaga ayaa daah-furaya Jowhar & Baladweyne, wixii khilaaf ahna ee dhimman doorasho kaddib ayaan xalineynaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Yuusuf Axmed Hagar Dabageed Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle.

Cali Guudlaawe Xuseen oo Madaxweynaha Hir-Shabeelle loo doortay 11-kii November 2021 waxaa marar badan ka baaqday safar uu ku tagi lahaa Magaalada Baladweyne kaddib markii dhinacyo hubeysan ay diideen in uu tago Magaaladaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here