NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Dabaq cusub oo dhismihiisu socday isamarkaana marayay biyaanada 16-aad ayaa saaka ku soo dumay Xaafadda South C ee Magaalada Nairobi waxaana iska lahaa Soomaali inkastoo sharaxaaad dheeraad ah aan laga heylin marka la eego khasaare nafeed hadii uu jiro.
Warbaahinta Kenya iyo tan dunida ayaa saaka waxay hadal hayaan dhacdadaani naxdinta leh ee ka dhacday xaafada ay dadka Soomaalida ah degan yihiin,wali si rasmi ah looma xaqiijin in hantida ay Soomaali leedahay laakiin xaafada iyo hantidaba waxaa ku badan Soomaalida.
Kooxaha,gurmadka,kuwa baaritaanada ee Kenya iyo ciidamada ayaa intaba goobta tagay walina warbixin lagama soo saarin sida shaqsiga iska leh ,hadii khasaare nafeed uu jiro ,magaca injineerka iyo talaabada macquulka ah ee Dowladu ka qaadeyso cida leh masuuliyad xumadaasi.
Inta badan qeybo dabaqa ka mid ah oo dumay way dhacaan laakiin in dabaqa guud ahaan uu soo wada burburo kuma badna Nairoobi waqtiyadaan danbe gaar ahan xaafadaha Soomaalida.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

