Muqdisho (dayniiile.com)-Qiyaastii 2 saacadood oo dabku socday waxay ugu danbeyn ku guuleysteen waaxda Gurmadka degdega Gobolka Banaadir  inay bakhtiijiyaan dabkii ka bilowday Martiini caawa fiidkii.

Dhalinyada ka shaqeysa waaxda gurmadka degdega ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa caawa waqti ku qaadatay inay la xarbiyaan sidii ay u bakhtiijin lahaayeen iyagoona ugu danbeyn ku guuleystay qiyaastii 11-saac caawa ama 5 saac hadba sidaad u taqaan.

Advertisement

Mar aan la xiriirnay ilo ku dhow dhow isbitaalka iyo kooxda gurmadka degxega waxay noo xaqiijiyeen in la bahtiijiyay cawa shantii saac .

Si kastaba khasaaraha hantiyeed iyo hadii ay jiraan khasaare nafeed intaba waxaa ka warbixin doona masuuliyiinta Insha Allaah wararkeena xiga ayaad kaga bogan doontaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDeg Deg: Dab Xoogan oo Caawa ka kacay Isbitaalka Martiini
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo lagu wado inuu Maanta Muqdisho ku soo laabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here