Wararka laga helaayo Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maleeshiya Beeleed hubeysan ay weerar ka geysteen deegaanka Saarsaare halkaasoo ay dhimasho iyo dhaawac ka gesyteen.
Maleeshiyaadka waxay weerarkooda ku dileen 2 ruux halka mid kalana ay ku dhaawaceen kadibna way ka baxsadeen goobta,waxaana guud ahaan arimahaani lala xiriirinayaa aanooyin qabiil iyo is qabqabsiga dhanka dhulka ah.
Sidoo kale shacabka deegaanka dadka lagu dilay ayaa durba cabsi badan ka muujiyay weerarada nucaani waxayna bilaabeen inay barakacaan.
Dhanka Kale maamulka Galmudug wali guul muuqatada ka gaarin xal u helida dhibaatada ka taagan Gobolka iyo mushkiladaha ka dhashay sida dilalka soo noqnoqday,dhaawacyada iyo barakaca intaba.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
