HomeWarkiiDad badan oo ku dhintay daadad ku rogmaday gobolka Kashmiir ee dhanka...

Dad badan oo ku dhintay daadad ku rogmaday gobolka Kashmiir ee dhanka India

Buildings damaged in flash floods caused by torrential rains are seen in a remote, mountainous village, in Chositi area, Indian controlled Kashmir, Thursday, August 14, 2025. [AP]KASHMIR (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan 56 qof ayaa ku dhimatay tobanaan kalena waa la la’yahay ka dib markii roobab mahiigaan ah uu ka da’tay gobolka Kashmiir qeybta ay Hindiya ka maamusho, mas’uuliyiinta ayaa sheegay roobabkaani yihiiin  musiibadii labaad ee ugu weynayd ee ka dhacda Himalayas muddo toddobaad gudihiis ah.

Daadadku waxay ku dhufteen Chisoti, oo ah magaalada Kishtwar, subaxnimadii Khamiista, Muuqaalo talefishinku soo bandhigay ayaa muujinayay dad oo aad u argagaxsan oo ooyaya markii ay biyuhu ku soo qulqulayeen deegaanka.

Cumar Cabdallah, oo ah madaxa guud ee dhulka Jammu iyo Kashmir (Kashmiir ay Hindiya maamusho), ayaa ku tilmaamay xaaladda mid mid xun,Maxamed Irshaad  oo ah sarkaal sare oo ka tirsan maamulka masiibooyinka ayaa sheegay in 80 qof la la’yahay 300 oo qofna la soo badbaadiyay  kuwaasoo 50 ka mid ah ay aad u dhaawacmeen, waxaana loo diray isbitaallada u dhow.

Irshaad wuxuu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in 56 mayd ah laga soo saaray goobta ka hor inta aan la joojin dadaallada samatabixinta habeenkii.

Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay inay suuragal tahay inay sare u kacdo tirada dhimashada ee ka dhalatay daadadkii khasaaraha geystay ee burburiyay ama qaaday guryo badan.

Sushil Kumar, oo deggan tuulada Atholi ee u dhow, ayaa u sheegay AFP: “Waxaan arkay ugu yaraan 15 meyd ah oo la keenay cisbitaalka maxalliga ah.”

Pankaj Kumar Sharma, oo ah guddoomiyaha degmada Kishtwar, ayaa mar sii horreysay sheegay inay jiraan fursado meydad badan oo la heli karo.

Ramesh Kumar wuxuu u sheegay wakaalada wararka ee ANI in ciidamada booliska iyo kooxaha ka hortaga masiibooyinka ay ku sugan yihiin goobta,halka ciidamada cirkana la diyaariyay si ay uga qeyb-qaataan howlgallada raadinta iyo samatabbixinta dadka la la’yahay ama aan la gaari karin.

Waaxda saadaasha hawada ee Hindiya waxa ay ku qeexday daruuro degdeg ah oo ka badan 100mm (4 inji) roob ah saacad gudaheed, kaas oo inta badan dhaliya daadad iyo dhul go’o gobollada buuraleyda ah inta lagu jiro dabaylaha.

Toddobaadkii hore, masiibo tan la mid ah oo ka dhacday Uttarakhand, oo ah gobolka kale ee Himalayan, ayaa tuulo dhan ku aasay dhiiqo iyo burbur ka dib roobab lixaad leh.

Xafiiska Cimilada ee Srinagar ayaa ka digay roobab kale oo xoogan oo ka da’aya qaybo badan oo ka mid ah Kashmir, oo uu ku jiro Kishtwar, wuxuuna ku booriyay dadka deegaanka inay ka fogaadaan dhismayaasha aan duuga ah, xadh-kaha korantada iyo geedo duug ah sababtoo ah khatarta  dhul go’a dheeraadka ah iyo daadad.

“Caawimo kasta oo suurtagal ah ayaa la siin doonaa kuwa u baahan,” Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa yiri.

Daadad iyo dhul go’u waa wax caadi ah inta lagu jiro xilliga monsoon laga bilaabo Juun ilaa Sebtembar, laakiin khubaradu waxay sheegeen in isbeddelka cimilada, oo ay weheliso horumarinta aan qorshaysnayn, ay kordhinayso soo noqnoqoshada iyo darnaanta.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

Buildings damaged in flash floods caused by torrential rains are seen in a remote, mountainous village, in Chositi area, Indian controlled Kashmir, Thursday, Aug. 14, 2025. (AP Photo)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -