Wararka aan ka heleyno deegaanka xaluule oo hoostaga degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay xalay deegaankaas ku dileen dad shacab ah.

Raga hubeysan oo maleeshiyo beeleed ah ayaa rasaas waxa ay ku fureen goob ay ku sugnaayeen qoys  ee deegaanka xaluule oo kamid ah deegaanada hoostaga Warsheekh.

Qoyska dil wadareedka loogu geystay  Tuulada Xaluule Ee degmada Warsheekh waxa ay ka boonaayeen shan ruux oo lagu kala magacaabijiray Safiyo Sheekh Abuukar Sheekh Cabdi Raxmaan,  Aayadeed Sangaabo Maxamuud Xuseen Iyo Walaalkeed Abuukar Iidow, iyada oo dilka kadib ay goobta ka baxsadeen raggii hubeysnaa ee dilka u geystay dadkaas.

Wararka ayaa intaas kusii darayaan in dilkaan xalay ka dhacay deegaanka xaluule uu salka ku haayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil oo horey uga dhacday deegaankaas, oo ay dagaan beelo walaalo ah.

Dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ayaa kusoo batay waayadii dambe degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana dhawaan a aheyd markii sidaan oo kale dilal & dagaalo ay ka dhaceen Gobolkaas wallow heshiis laga gaaray.

Maamulka degmada Warsheekh & kan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaan weli ka hadlin dil wadareedka, waxaana warraka aan helnay ay sheegayaan inay socdaan howlgallo lagu baadi gobayo dadkii falkaasi dilka ahaa ka dambeeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here