yeeshay cudurka shuban-biyoodka oo ay u dhinteen illaa 15 qof oo u badan caruur.

Xanuunka ayaa soo ritay dad gaaraya boqol qof waxaana soconaya dadaallo wax looga qabanayo cudurkaasi oo ay wadaan mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland.

Advertisement

Guddoomiyaha Golaha degaanka Afmadow Maxamed Amiin Cabdullaahi ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay cudurka shuban biyoodka uu aad ugu soo badanayay degmada Afmadow, isla markaana dad badan uu soo riday.

Wuxuu sheegay in la go’aamiyay in muddo 10-ka Cisha ah ee soo socota la xiro Goobaha waxbarashada si aysan Carruurta isugu daaran, wuxuuna sheegay in degmada Afmadow ay 9 Ruux uu geeriyoodeen cudurka degaanka Qooqaani ay ku geeriyoodeen lix Ruux.