PERU (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka ku yaal bartamaha Dalka Nigeria ee Peru ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay saacadihii ugu dambeeyay dagaal ay dad badan iska dileen muslimiin iyo masiixiiyiin kuwaasoo kala ah beera-leey iyo xoola-leey.
Beeraleyda oo ah kuwa gaalada ah ayaa la soo sheegayaa inay is hortaageen xoolaha leyda muslimiinta inay dhulkaasi daaqaan taasoo ka careysiisay muslimiinta kadib weerar ay ku qaadeen masiixiyiinta ayuu dagaalku ka dhashay.
dad ka badan 100 ruux ayaa labada dhinac goobtaasi uga geeriyooday xili hay’ada xuquuqda aadanaha ee dunida ay sheegtay in dadka qaar guryahooda lagu gubey islamarkana meydadkooda oo gubtay laga soo saaray.
Inra badan dalka Nigeria waxaa ku soo noqnoqda dagaalada u dhexeeya gaalada laga tirada badan yahay iyo muslimiinta xili Dowladuna kala dhex dhexadiso mar kasta.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
