Magaalada Muqdisho waxaa la keenay qoys dhaawac kasoo gaaray hoobiye ay tuureen Ciidamada Uganda ee u diiwaangashan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, duqeyntaan ayaa ka dhacday Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dadka dhaawacmay oo dhammaantood hal qoys kasoo wada jeeda waxaa gurigooda ku dhacay Mid kamid ah Madaafiic ay tuureen Ciidanka Uganda sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Ehelka iyo Dadka deriska la ah qoyskaan oo Warbaahinta la hadlay.
Aabaha iyo Hooyada qoyskaan oo ay wehliyaan saddex carruur ah oo ay dhaleen ayaa dhaawac soo gaaray, waxaa looga daweynayaa Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, mana jiro war kasoo baxay Uganda ama Howlgalka ATMIS.
Aabaha dhaawaca soo gaaray isaga iyo qoyskiisa oo lagu magacaabo Abuukar Cali Bariire ayaa dhaawac kasoo gaaray firir xooggan oo ka dhashay madfaca ku dhacay Guriga, Deegaanka oo aan lahayn ayaa lagu qasbanaaday in Muqdisho loosoo qaado, taasina ay sababtay in ay dhiig-baxaan.
Mid kamid ah Dadka ay isku deegaanka yihiin Qoyskaan oo wax kasoo qaaday Dhaawaca ayaa sheegay in mar qura ay maqleen jug xooggan, muddo kooban kaddib ay kusoo baxeen goobta uu hoobiyaha ku dhacay kana soo qaadeen reerka waxyeellada gaartay.
“Madfacaas dhib weyn ayuu geystay oo waxa uu dhaawacay aabaha, maadaama & saddex carruur, Bariire malahan Isbitaal oo waxaa loosoo qaaday Muqdisho iyaga oo aad usoo dhiig-baxay, midkood ayaa halboolaha go’ay oo firir ayaa laga soosaaray halka wiil kale uu lugta ka jabay” ayuu yiri mid kamid ah ehelka qoyskaan dhaawaca kasoo gaaray duqeynta Ciidanka Uganda.
Bariire waxaa maanta ka dhacay dibadbax ay dhigeen Dadka Deegaanka iyaga oo dalbaday in wax laga qabto duqeynta habeennadii u dambeeyay Ciidanka Uganda ee qaybta ka ah howlgalkada Midowga Afrika ATMIS ka geysanayaan Deegaankaas.