Hooyo iyo labadeeda carruur iyo qof kaloo marti u ahaa, ayaa ku geeriyooday Hoobiye kusoo dhacay hoygooda oo kuyaalay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Labo kale oo carruur ah oo isla qoyskan katirsan ayaa dhaawacmay hoobiyaha.

Advertisement

Alshabaab ayaa saakay tiro hoobiyayaal ah ku garaacay degmada Baardheere, wax ka yar kadib weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagusoo qaaday hoyga martida ee degmada Baardheere.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa ku dhaawacmay weerarkaan, isagoo la xaqiijiyay inuu lug ka jabay, kadibna waxaa dhaawiciisa loo qaaday magaalada Muqdisho.

Saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Baardheere ayaa guddoomiyaha xaaladiisa lagula tacaalay kahor inta aan loo duulin Muqdisho.