Dad loo qab qabtay Gabadhii kufsiga iyo Dilka leysugu daray magaalada Muqdisho

0

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay kiiska gabar shalay lagu dilay degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Shalay 11/Sep/2020, abaare 14:00pm duhurnimo ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Waaberi, waxaa Soo gaaray warbixin ku saabsan meedka gabar la dilay, gudaha Degmadaas gaar ahaan guri dabaq ah oo ku yaala Waaxda #Maajo in laga Soo tuuray Xamdi #Maxamed Faarax ina Hooyo Nadar Caraale Culusow, 19 jir ah ku dhalatay #Ceelbuur dagan Degmada  Deyniile, Marxuumada ayaa ka mid aheyd dhalinyaradii dhawaan gashay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Sarre ee sanadkaan kuna baastay.

Meesha uu Kiisku marayo.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo ka duulayo warbixintaas ayaa goobta tagay. Isla markaasna marsiiyay nadaamka lagu maamulo goob danbi ka dhacay, waxaan biloownay baarista, aruurinta cadeymaha iyo gacan ku dhigista eedeysanayaasha oo aan gacanta ku hayno ilaa 4 #Eedeysane, waxaa socota baaris qoto-dheer, waxaana si dhaw Ummadda ula wadaagidoonaa natiijada Baarista oo dhameystiran”

Ayaa lagu yiri War qoraal ah oo uu soo saaray taliska ciidanka booliiska

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here