Dhuusa-mareeb (dayniiile.com)-Hay-adaha Amniga Galmudug gaar ahaan kuwa caasimada Dhuusa-mareeb ayaa  ka hadla dilkii caawa halkaasi loogu gaystay laba wadaad oo ka mid ahaa Ganacsatada ugu caanaan Magaaladaasi.

Taliyaha  Booliska ee Magaalada Dhuusa-mareeb Nuur Cilmi Hoosagale ayaa daboolka ka qaaday inay dhowr qof u soo qabteen dilka caawa dhacay halka kuwa kalana ay ku raad joogaan.

Taliyaha wuxuu cadeeyay in dadka  caawa sy qabteen inay yihiin tuhmanayaal balse ay baaritaan kadib kala cadeyn doonaan inay gacan ku dhiiglayaashu iyaga yihiin iyo in kale.

Taliye Hoosagale falkaani dilka ahaa wuxuu ku tilmaamay mid argagax leh islamarkaana ujeedkiisu ahaa in amniga lagu qal qal galiyo.

“Dilku wuxuu dhacay xili caawa roob uu da’aayay sharciga ayaana la tiigsan doonaa”ayuu yiri Taliye Hoosagale.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweyne Qoor-Qoor oo ka tacsiyeeyay Geerida ku timid Madaxweyne Caalin
Next articleWararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here