Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoobaxayaan weerar geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.
Maleeshiyaad hubeysnaa ayaa waxaa la sheegay in ay rasaas ku fureen Gaari dad Shacab ah ay saarnaayeen oo ka baxay Magaalada Dhuusamareeb, kuna wajahnaa degaanka Xiindheere, xilli uu marayay agagaarka degaanka Gadoon ee Gobolka Galgaduud.
Wararka aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in rasaasta lagu furay Gaariga ay ku geeriyoodeen Nabaddoon lagu Magacaabi jiray Cali Sheekk Cabdulle iyo Gabadhiisa, halka ay ku dhaawacmeen saddex Ruux oo kale.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku daray in falkaan uu salka ku haayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil oo kajira degaano katirsan Maamulka Galmudug, waxaana weli ka hadlin weerarkaas laamaha Amniga Gobolka Galgaduud.