HomeWarkiiDad shacab iyo ciidan isugu jira oo Saaka lagu laayay Magaalada Balad-xaawo

Dad shacab iyo ciidan isugu jira oo Saaka lagu laayay Magaalada Balad-xaawo

BALAD-XAAWO  (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka aroortii hore halkaasi maleeshiyaad hubeysani ku dileen ilaa 5 ruux oo askari iyo shacab isugu jira xili magaaladaasi ay maamuleyso Dowlada Soomaaliya.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in dilalkaani dhamaantood aano qabiil salka ku hayaan , 4 ka mid ah dadka ayaa saaka hal goob lagu dilay gaar ahaan xaafada 8-daad iyadoo laba ka mida ay walaalo ahaayeen, mana jirto wax talaabo ah oo ay wali qaadeen ciidaamada Dowlada ee xaruntoodu tahay Xera UK.

Sidoo kale askari Dowlada ka tirsan oo Booliis ahaa  ayaa isagana lagu dilay xaafada qansax ee isla Magaalada Balad-xaawo, dhamaan kooxaha dhibaatada geystay ayaa baxsaday.

Si kastaba Ciidamada Milaterigaa,Nabad sugida iyo Booliiska Dowlada ee Magaalada Balad-xaawo ayaa lagu wadaa inay talaabo degdeg ah ka qaadaan kooxaha dilalka ka sameeyay xaafadaha Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Geddo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -