Wararka ka imaanaya degmada Xudur ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawacba ay soo gaareen dad xoolo dhaqato ah oo manta marayey inta u dhaxeysaΒ  degmadaasi iyo tuuladaΒ  wanay oo 7km galbeed ka xigta xuddur.

Falalkaasi dhimashada iyo dhaawacaba leh waxaa sababay qarax ka dhashay miino nooca anti tangiga ahΒ  oo lagu aasay waddo ay maraan dadka iyo xoolaha.

Hal qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, labo kalena waxaa dhaawacooda loola cararay cisbitaalka degmada Xudur,halka labo neef oo geel ah ay ku dhinteen.

Laamaha amniga ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhacdadaasi iyo kasaaraha ka dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here