Xerada qaxootiga ah ee Ifo oo katirsan xeryaha Dadaab ee dalka Kenya waxaa ku nool dadyow kala duwan oo rag iyo dumar isugu jira kuwaasi oo la ildaran xanuuno badankood naafeeyey dhimirka maskaxdooda.

Dadkaan Xanuunsanaya ayaa si caafimaad loogu raadsho la  geeyaa goobaha lagu quraan saaro dadka dhimirka kaxanuunsan “cilaajyada” halkasi oo loogu baryo Alle inuu caafimaad taam ah siiyo dadkaasi.

Advertisement

Saaka oo aan booqdey xaruunta Cilaajka ee Xerada Ifo-1 ayaan Soo arkey dhalinyaro wiilal iyo gabdhaba leh oo la xanuunsan cudurka dhimirka maskaxda.

Xanuunadan Soo ritey dadkan ayaa waxaa ubadan Jinka iyo insiga oo siyaabo kala gedisan usaameeyey dadkaan.

Maamulka xaruuntan ee sheekh Ali oo aan la sheekeeystey ayaa iisheegey in dad badan uu rabi xaruuntan caafimaad ku siyey, ayagana dadaalkooda uu Alle la garab galay.

Ugu dambeeynti ehelada bukaanada ayaan kula talinaya iney geeyaan dadkooda la xanuunsan cudurada dhimirka  xaruuntan si loogu quraan saaro madaama dawada la hubo uu yahay Quraanka Alle.

Qore Wariye:-
Hassan Mwalimu
Xerada Qaxootiga Ifo
May be an image of 2 people
Previous articleRa’iisulwasaare Xamze oo ka tacsiyeeyay Geerida ku timid Wasiirad Khadiija
Next articleHogaamiyaha Xamaas oo Masar u tagay  xabad jooointa Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here