Iyada oo todobaadkan Dalka ingiriiska lagu diley mid kamid ah Xildhibaanadii ugu mudada dheeraa ee dalkaasi xildhibaan ka noqdo mr David Amess lagu diley gudaha UK gaar ahaan Xafiiska ayaa waxaa soo baxaya Cabsi badan oo ay qabaan Dadka Muslimiinta ah ee kunool Dalka UK gaar ahaan Somalida .

Dilka Xildhiban David ayaa waxaa u Xiran nin Somali ah oo la yiraahdo Cali Xarbi Cali kaas wali ay Booliiska Dalkaasi Sualo weydiineyaa waxaan tan iyo markaasi sare u kacay welwelka ay qabaan Dadka Muslimiinta ah oo markii horeba laamaha Amaanka UK ay ilgaar ah ku haayeen.

Sahra Maxamed oo ah Xoghaayaha Guud ee Ururka Muslimiinta Wadanka UK ayaa waxaa ay sheegtey in ay ka walacsantahay tilaabo ay qaadaan kooxo mayil adag oo aad u neceb Dadka musliinta ah sigaar waxaa ay tilmaantey Goobaha Cibaadada iyada oo kutalisey in feejiganaan sare ay galaan Dadka Muslimiinta ah.

Sahra oo siihadleysey ayaa waxaa ay sheegtey in siweyn ay ugu qoomameyneyaan Falkii dilka ahaa ee lagula kacay Xil dhibaan David isla markaan ay murugada la qaybsaneyaan Qoyskii uu kabaxaya lkn loo baahanyahay in aan loo dhibaateyn fal uu qof keligii ku yahay Dadkale oo aan waxba galabsan.

Cali Xarbi Cali oo ah ninka loo haysto Dilka Xildhibaan David ayaa ah wiil uu dhaley lataliyihii dhinaca warbaahinta R/wasaarihii hore Mudane Xasan Cali Kheyre waxaan haatan muuqaneya dadaal badan oo ay bixinayaan Ururada muslimiinta ah kuwaas oo lagu doonayo in aaney saameyn ku yeelan Falkan lagu eedeyey Wiilkan Soomaaliyeed Dadka Muslimiinta ah ee kunool Gudaha UK.

Sida oo kale Xoghaye Sara Maxamed ayaa waxaa ay sheegtey in wax walba oo arintan ku soo kordhaa ay la wadaagi doonaan Dadka Muslmiinta ah gaar ahaan imaamyada Masaajid yada sidaasi daraadeedna Dadka ay ugu baaqeyso in taxadir dheeraad ah ay muujiyaan.

By #Capital #News #Media

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here