MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dagaal culus oo aan waxba la isu reeban ayaa caawa Ka dhex qarxay Wasiirada Soomaaliya kaasoo baraha bulshada la isu adeegsanayo qoraalo iska soo daba dhacaya oo qaarkood la isku aflagaadeeyay.
Dagaalka wuxuu ka dhaahay markii Ra’iisulwasaare xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac’Wasiir Maareeye iyo xubnaha kale ee Dowlada Somalia ku matala Gobolada Somaliland maanta eedeyn u jeediyeen Madaxda Dowlada xili laga rabay inay Cambaareeyaan aqoonsiga Israa’iil.
Wasirka Dekadaha oo la hadlayay wasiirada iyo Xildhibaanada reer Waqooyiga ayaa Facebok ku soo qorey sidan:-
Maah maahda ah Run ha sheegin been a ha sheegin waxaad sheegtana ha waayin.
Intaas kadib waxaa usoo jawaabay Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin kaasoo aflagaado ku jawaabay taasoo ahayd in Wasiirku jaajuus yahay.
Dhanka kale Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamza Cabdi Barre ayaa soo farageliyay sida uu cadeeyay Wasiir Fiqi oo xusay in Ra’iisulwasaare Xamza uu ku amray inuu postiga uu dhigay ma saaro islamarkaana uu ka saaray isagoo u hogaansamaya amarka. amarka
Sidoo kale waxaa isu jawaabay Wasiir Fiqi iyo Wasiir Maareeye.


