Diinsoor (dayniiile.com)-Warar laga helay Gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu xalay dhex maray Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa dagaalamayaasha Alshabaab.

Dagaakaan ayaa yimid kadib markii kooxda Alshabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig Ciidamada Itoobiyaanku ku leeyihiin Magaalada Diinsoor halkaasoo rasaas xooggan la isku dhaafsaday.

Advertisement

Labadas Dhinac waxba iskuma reeban sida dadka deegaanku sheegeen inkastoo aan xaqiiiqa loo heyn khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee isku riiqmay iyagoo wada adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

labada dhinac ayaa warar laga kala helay waxay uga hadleen siyaabo kala duwan iyadoo dhanka Itoobiya sheegeen inay iska caabiyeen weerarka kaga yimid Alshabaab.

Sidoo kale Alshabab ayaa iyaguna war laga helay waxay sheegteen inay guulo ka gaareen weerarka ay ku qaaden saldhiga ciidamada Itoobiyaanka ee degmada Diinsoor,sidoo kale waxay sheegen inay khasaare gaarsiiyeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleWasiirka Maaliyada oo kulan la yeeshay ku xigeenka Wakiilka QM
Next articleYuhuuda oo Gaza ku dishay dad ka badan100 ruux meel ku dhaw isbitaalka Kamal Cadwan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here