Wararka laga helayo Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in  tuulo halkaas u dhaw uu ka dhacay Dagaal xooggan oo u dhexeeya laba maleeshiyo Beeleed.
Labada Maleeshiyo oo ka soo kala jeeda Bandiirad-leey iyo Galdogob ayaa la soo sheegayaa inay isu adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan .
Khasaaraha nafeed waxaa la soo sheegayaa in ilaa 8 ruux oo labada dhnac ay dhibaato ka soo gaartay is rasaaseynta.
Dhanka kale gurmadyo ayaa soo kala gaaraya labada dhinac taasoo keeni karta in dagaalku sii socdo walow dhanka kalana ay macquul tahay in waxgarad ay soo kala dhex-galaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleAqoon is-weydaarsi loo qabtay in ka badan 200 da’yar Soomaali ah, dalka Netherlands
Next articleKaniisad soo duntay oo dad badani ku dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here