HomeWarkiiDagaal Beeleed dad badan lagu laayay oo xalay ka dhacay dhulka Dowlad...

Dagaal Beeleed dad badan lagu laayay oo xalay ka dhacay dhulka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

SHILAABO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Qoraxeey ee dhulka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in magaalada Shilaabo uu ka dhacay dagaal beeleed dad badan lagu laayay.

Dagaalka ayaa ka dhashay kadib markii maalmihii ugu dambeeyay uu taagnaa aanooyin qabiil oo beelaha u dhexeeyay kaasoo ugu dambneyn keenay xalay in gacmaha la isul tago dhiigna uu daato xili uu deegaanku hoos tago maamulka Musataf Cag-jar ee dowlad deegaanka Soomaalia Itoobiya.

Inta laga war hayo waxaa dagaalka ku dhimatay 7 ruux halka 4 kalana ay ku dhaawacmeen taasoo muujineysa baaxada dagaalkaasi xalay ka dhacay Magaalada Shilaabo oo walibana shacabka lagu dul dagaalamay.

Sida ay ka soo xignay idaacada Kulmiye dagaalka xalay ayaa daba socda kadib markii maalmo ka hor maleeshiya beeleed hubeysan ay Magaalada Shilaabo duleedkeeda ku dileen dad xoola dhaqato ahaa oo xoolaooda iska dhaqanayay kuwaasoo dilka kadibna u cararay dhanka Somalia gaar ahaana magaalada Cabud-waaq ee Gobolka Gal-gaduud.

Si kastaba Magaalada Xalay lagu dagaalamay ayaa wali la isku hor fadhiyaa xili ciidamada maamulka Dowlad deegaanka iyo masuuliyiintuba lagu wado inay dagaalka soo farageliyaan si loo kala dhex galo beelaha is dilaya islamarkaana shacabka ku dul dagaalamaya.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -