XUDUR (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaakada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in laba maleeshiyo beeleed ay ku dagaalameen duleedka magaaladaasi kaasoo sababay khasaare nafeed oo soo kala gaaray dhinacyada kaasoo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa salka ku haya is qabqabsi dhul beereed ku yaal duleedka Magaalada Xudur oo mudo soo taagnaa balse ugu danbeyn dagaal gacan ka hadal ah isku badalay mana jirto wax dhex dhexadin ah oo ay halkaasi ilaa iminka ka sameeyeen maamulka Degmada Xudur .
Sida warar aan ku helnay 3 ruux ayay labada dhibac iska dileen halka dhaawacyaduna intaasi ka badan yihiin , wali waxa taagan murunka is qabqabsiga sababay in dagaalku qarxo,dadka deegaanka ayaa ku rajo weyn in Maamulka Degmada Xudur soo fara geliyo dagaalkaani si loo yareeyo khasaaraha dhimashada islamarkaana loo kala bad baadiyo dadka walaalaha ah.
Inta badan Gobolada Dalka waxaa ka dhacay dagaal beeleedyo salka ku haya is qababsi dhuleed iyo guud ahaan hantida ma guurtada iyo waliba kala dhaca xoolaha ee iyadana mararka qaar miyiga ka dhacda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
