BALAN-BALE (DAYNIILE.COM)- Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in laba Maleeshiyo Beeleed ay ku dagaalaayaan inta u dhexeysa Balan-bale iyo Oodaale waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dagaal Beeleedka oo ka dhashay Geel la kala dhacay ayaa la soo sheegayaa in hal ruux uu ku dhintay iska hor-imaadkaani halka sedex kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo la gaarsiiyay goobaha caafimaadka.
Isbitaalka Guri-ceel ayaa la soo sheegayaa in dhaawacyada la geeyay halkaasoo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.
Hay’adaha amaanka Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa la soo sheegayaa inaysan wali ku bixin islamarkaana u kala grqaadin taasoo keeni karta in saacad kasta dagaalku dib u qarxi karo inkastoo hore marar badan isu keenay beelaha hadana dhibaatada way taagan tahay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
