CEEL-BARAF (DAYNIIILE.COM)- Wararka laga helaayo Magaalada Ceel-baraf ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in laba beelood oo walaalo ah ay ku dagaalameen xadka Gobolada Hiiraan iyo Sh.dhexe.

Dagaal Beeleedkaan oo ka dhacay galinkii danbe ee shalay deegaanka Cadaad ayaa gaystay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada maleeshiyo Beeleed ee isku dhacsan.

Advertisement

Wararka ayaa tilmaamaya in dagaal beeleedkaani uu ka dhashay is qabqabsi dhul beereed salka ku hays.

Labada dhinac wuxuu mid kasta sheeganayaa in iyaga la soo weeraray,sidoo kale odey ka soo jeeda Degmada Ceel-baraf ayaa sheegay in Maamulka Hirshabelle uu ku guul dareystay inuu wax ka qabto is qabqabsiga beelaha ee dhanka dhul beereedka.

” Ciidanki NISA ayey soo buriyeen kadib wiilal Beerahooda jooga ayey soo weerareen

“hal wiil waa dileen, 2 waa dhaawaceen,kadib markii ay soo weerareen wiilal Beerahooda jooga, dowlad waxaan leenahay naga soo gaara ” ayuu yiri Nabadoon Muuse Sharaawe.

Nabadoonka wuxuu intaasi ku daray in Ciidamo NISA ka tirsan oo ku dhex jirey inay soo eryeen kooxda weerarka soo qaaday waa sida uu warka u dhigay Nabadoon Muuse Sharaawe.

Labada maleeshiyo ayaa wali is hor fadhiya taasoo keeni karta inay saakana isku dhacaan hadii aan lagu bixin.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDAAWO: Samali Guursaday sedex Gabdhooday oo Maroko u dhashay .
Next articleKulan ciyaareedka Banaadir iyo Juballand iyo Galabta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here