HomeWarkiiDagaal Beeleed mar kale ka qarxay Deegaanka Calaag ee xadka Sh.dhexe iyo...

Dagaal Beeleed mar kale ka qarxay Deegaanka Calaag ee xadka Sh.dhexe iyo Hiiraan

CEEL-BARAF (DAYNIILE.COM)- Deegaanka Calaag ee Gobolka Shabeelaha dhexe waxaa mar kale ka qarxay dagaal u dhexeeya laba maleeshiya Beeleed oo ka soo kala jeeda qeybo ka mid ah Gobolada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan xili sidaan oo kale asbuucaan kaliya dhowr dagaalkaasi la isku noqnoqday.

Dagaalka  la soo sheegayo inuu socdo waxaa uu ka dhashay kadib markii nabadoon lagu dilay deegaankaasi kaasoo sida wararka qaar sheegayaan loogu yimid beertiisa kadibna lagu dilay ,waxaana dagaalku salka ku hayaa is heysad dhul beereed sida aan wararkeenii hore idinku sheegnay.

Dagaalka oo ka dhexeeya labada beelood ee walaalaha ah ee Abgaal iyo Xawaadle ayaaneey jirin wax kala dhex gala oo si rasmi ah u qaboojiya xiisadaasi hadey Dowlada ahaan lahayd iyo hadii maamulka Hirshabelle uu ahaan lahaaba.

Nabadoonka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Naadoon Cabdullaahi Qoorey Allaha u naxariistee ayaa ka soo jeeda Beesha Abgaal waxaana la dilay isagoo beertiisa ku sugan sida aan xogta ku helnay walina colaadu way taagan tahay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -