GARASLE (DAYNIILE.COM)-Dagaal Beeleed ayaa la soo sheegayaa inuu saaka ka socdo deegaanka Toonta-Qorya-caddo ee hoos tagta Qabalaha Garasle Gobolka Qoroxey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya kaasoo la isu adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan.
khasaare nafeed oo labada dhinac kala gaaray ayaa durba laga soo warinaya sida dhimashada ilaa 3 ruux iyo dhaawac intaasi ka badan,madaama dagaalku socdana waxaa dhici karta in khasaare kale la soo wariyo .
Labada Maleehiya Beeleed ayaa sidoo kale la soo sheegayaa inay gurmadyo kala helayaan taasoo xiisada sii hurin karta xili Dowlad deegaanku wali soo faragelin dagaalka labada maleeshiya beeleed u dhexeeya.
Maaha markii ugu horeysay oo deegaanadaasi ay ka dhacaan dagaal beeleed balse guud ahaan dhulka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ku soo badanaya dagaal beeleedyada oo iska ahaa wax sanado badan soo tixnaa iyadoo inta badan dhul ,beero, xoolo iyo siyaasadba la isagu dhaco.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
