BALAN-BALE (DAYNIILE.COM)-Waxaa sii xoogeysanaya dagaal beeleed-yada ka taagan Gobolka Galgaduud xili saacadihii ugu dambeeyay la soo warinayo hal beel oo degta Gobolka Gal-gaduud oo hadana laba beel oo kala duwan dagaal kula wada jirta.
Beesha Degta Guri-ceel ayaa la soo sheegayaa inay xiligaan la joogo dagaal kula wada jirto laba beel oo ka soo kala jeeda Degmooyinka Ceel-buur iyo Balan-bale taasoo xiisada colaadeed ee Gal-gaduud kor u sii qaaday.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maleeshiya beeleed ka soo jeeda Degmad Balan-bale oo aar-gudaneysa ay weerar ku qaadeen duleedka Degmadaasi xili ay weerareen qoysas iska hurda xalay .
lama soo warin wali faah-faahinta khasaaraha ka dhashay weerararkaani reer Balanbale qaadeen xalay.
Deeganka la weeraray oo lagu magacaabo Oodaale ayaa la soo sheegaya in maleeshiyaadka reer Balan-balle ay si gaar ah u beegsadeen ceel-biyoodka deegaankaasi iyadoo sidoo kale la soo sheegayo inay waxyeelo gaarsiiyeen qaar ka mida dadka deegankaasi oo xiligaasi jiifay walow aan la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha nafeed.
Weerarkaani xalay ay qaadeen maleeshiyaadka reer Balan-bale ayaa jawaab u ahaa mid hore reer guriceel ugu qaadeen deegaanka Turbi.
Si kastaba maamulka Galmudug waxaa looga fadhiyaa inay qaadaan taloobooyin ay kaga hortagayaan xiisadaha colaadeed ee ka soo kordhay Gobolka Gal-gaduud iyo xalinta waxa la isku hayo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
