Dagaalka u dhexeeya Laba Beelood ayaa ka qarxay Kilinka 5-aad Itoobiya kaasoo maanta soo bilowday ayaa wali socda.

Dagaalkaan oo sida aan xogta ku helnay u dhexeeya Beesha Ogaadeen iyo Beelo ka soo jeeda Hawiyaha wuxuuna ka bilowday wiil la dilay isagoo xoolo raacaya.

Advertisement

Gobolka Gedey Deegaano hoos taga oo Hawiyuhu degaan ayaa dagaalku ka socdaa sida  wararka aan ku maqalnay halka warar kale oo dhanka Ogaadeenka u dhaw ay sheegayaan in deegaanka Gar-cilaan lagu dagaalamay inkastoo aan xaqiiqada dhabta laga heyn.

Wararka oru dhaca ah aan helnay ayaa sheegaya in inay ku dhinteen dagaalka dad ka badan 5 ruux halka tira kalana dhaawacmeen.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Dagaalka Galabta ilaa caawa uu socdo rasaastuna ay socoto lamana oga khasaaraha rasmiga ah.

Labada dhinacba waxaa la sheegayaa inay gurmadyo helayan xili dowlada Itoobiya aysan wali soo fara gelin dagaal beeleedkaasi.

Wixii war ah oo soo kordha wararkeena xiga ayaad kala socon kartaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here