MANDERA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo gobolada waqooyi Bari ee Kenyaanku heysto balse ah dhul Soomaaliyed ayaa sheegaya in dagaal uu ku dhexmaray Alshabaab iyo Ciidamada Kenya gaar ahaan duleedka ismaamulka Mandera halkaasoo Kenyanku saldhig ciidan ku leeyihiin.
Warar ku dhaw dhaw dhanka Kenya ayaa sheegaya in Ciidamadoodu iska caabiyeen kana hor tageen weerarkii Alshabaabku soo qaadeen xerada ciidamada kenya islamarkaana rasaas mudo kooban la is dhaafsaday.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in dagaalamayaasha Alshabaab dib u gurteen markii iska caabin xoogan ay kala kulmeen ciidamada Kenya.
Maaha markii ugu horeysay oo Alshabaab weerar ka geystaan Mandera balse weerarada ay qaadaan waa joogto walibana meelo kala duwan sida duleedyada Garisa,Wajeer iyo deeegaanka Xeebeedka Lamu.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ
