HomeWarkiiDagaal culus oo Alshabaab dhexdooda ku dhexmaray Degmada Maxaas

Dagaal culus oo Alshabaab dhexdooda ku dhexmaray Degmada Maxaas

MAXAAS (DAYNIILE.COM)- Wararka laga helaayo Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi xalay uu dagaa;l culus ku dhexmaray dagaalamayaal ka wada tirsan Kooxda Alshabaab.
Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid kadib markii goobo ganacsi oo Maxaas ku yaal dhac loo geystay sidaasna kooxdu laba dhinac u kala baxeen, dagaalka ayaa la isku weydaarsaday hubka nuucyadiisa kala duwan,
Wararku waxay tilmaamayaan inuu jiro khasaare soo kala gaaray dhinaycyada walow aan la heyn tira sugan oo la xaqiijiyay,sidoo kale saraakiisha Kooxda kama hadlin dagaalkaani.
Shacabka ayaa laga soo xigtay inay xalay dareemeen cabsi weyn madaama dagaalka la isu adeegsanayay hubka waa weyn.
Madaxa Warfaafinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Shuuriye Nuur Barakaat ayaa qoraal kooban uu soo dhigat barihiisa bulshada wuxuu kaga hadlay dagaalka xalay ee Maxaas ku dhex-maray Alshabaabka dhexdooda,wuxuuna sheegay inay Alshabaab iska dileen laba hor-jooge sida uu warka u dhigay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -