WAAJID (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka dhacay Degmada Waajid kaasoo u dhexeeyay ciidamada Dowlada iyo kuwa Maamulka Koofur-galbeed oo is kaashanayay iyo kuwa Alshabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Alshabaab weerar qorsheysan ku soo qaadeen Saldhiga Degmada Waajid halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowlada iyo kuwa koofur-galbeed waxaana labada dhinac dhexmaray dagaal la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in dagaalkaasi uu cabsi ku abuuray madaama dushooda lagu dagaalamayay waqti kooban oo hubka waa weyna laga maqlayay magaalada.
Faah-faahin lagama hayo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka balse Dowlada war ka soo baxay ayay ku sheegty inay iska difaaceen weerark kooxda Alshabaab walina ay iyaga u sugan yihiin saldhiga lagu soo weeraray oo aysan jirin wax is badal ah.
Kooxda Alshabaab oo aftigoodu ka hadleen kaliya waxay sheegteen inay iyagu weerarka qaadeen balse ma aysan sheegan wax khasaare ah oo ay garsiiyeen ciidamada Dowlada Somali iyo kuwa maamulka Koofur-galbeed.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
