HomeWarkiiDagaal culus oo Alshabaab iyo Itoobiya ku dhexmaray Diinsoor

Dagaal culus oo Alshabaab iyo Itoobiya ku dhexmaray Diinsoor

DIINSOOR (DAYNIILE.COM)-Dagaal culus ayaa la soo sheegayaa inuu dhexmaray Alshabaab iyo ciidamada Itoobiya kadib markii ay isku fara saareen duleedka Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Alshabaab ay weerar qorsheysan ku qaadeen fariisin ciidamada Itoobya ku leeyihiin duleedka Degmada Diinsoor waxaana labada dhinacba ay is dhaafsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Labada dhinac waxaa ka soo baxay warar kala duwan oo mid kasta uu guul ku sheegtay,ciidamada Itoobiya waxay sheegeen in weerarka Alshabaab ay iska caabiyeen islamarkaana ay dagaal-yahano ka dileen.

Sidoo kale war ka soo baxay Alshabaab ayay ku shaaciyeenin in weerarka ay qaadeen ay natiija fiican ka gaareen islamarkaana askar badan ka dileen Ciidamada Itooiya,sidoo kalana ay gaadiid dagaal ka gubeen.

Ma jirto warar madax banaan oo laga helay dagaalkaasi kaasoo kala cadeynaya sheegasada labada dhinac.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -