HomeWarkiiDagaal culus oo dib uga qarxay aaga Deegaanka Ceel-hareeri

Dagaal culus oo dib uga qarxay aaga Deegaanka Ceel-hareeri

MOQOKORI (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu dib uga qarxay saaka aaga deegaanka Ceel-hareeri ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkaan oo ah mid culus wuxuu yimid kadib markii macawisleyda Beesha Xawaadle weerar ku qaadeen Alshabaab iu sugnaa halka lagu magacaabo Garas-megan oo dhacada duleedka Ceel-hareeri.

Macawisleyda Xawaadle ayaa weerarkaani waxay dhowr jiho kaga qaadeen  Garas-megan oo wararka sheegayaan in  Alshabaab halkaas ku diyaarinayee  weerar ay ku soo qaadaan deegaanka Ceel-hareeri balse ay ka hortageen macawisleydu .

Daryanka rasaasta iyo hugunka madaafiicda laga maqlaayo Degmada Adan Yabaal oo ku dhaw halka dagaalku ka socdo,ma jirto wax khasaare ah oo ilaa iminka la soo wariyay.

Dagaalada ka socda aagaan ayaa shalay yara qaboobay xili doraad ay ahayd markii xitaa duqeyn alshabaab loo geystay looga dilay saraakiil sar sare oo caan ahaa.

Dhanka kale waxaa sii kordhaya dagaalada u dhexedya Alshabaab meelo badan isaga yimid iyo macawisleyda Xawaadle xili ay meesha ka maqan tahay kaalintii Dowlada dhexe iyadoo aaney jirin gurmad ciidamada xooga ay gaarsiinayaan agaga dagaalku ka socdo marka laga reebo diqeymaha dhanka cirka oo Dowladu hageyso.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA

DAYNIILE.CON

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -