CAAD (DAYNIIILE.COM)-Dagaal xooggan ayaa Saaka ka dhacay Deegaanka Jeex-Jeexa oo hoos taga Degmada Caad Koonfurta Gobolka Mudug kaasoo u dhexeeyay Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada oo garab ka helaya kuwa deegaanka.

Dagaalka ayaa yimid markii ciidamada Xoogga dalka ay weerar ku qaadeen goob ay isku urursanayeen kooxda Alshabaab,waxaa sidoo kale dagaalka sii dheer duqeymo xaga cirka ah.

Advertisement

Ciidamada Gor-Gor iyo kuwa Macawisleyda ayaa werarkaani waxay ka gaareen guulo kadib markii ay durba jiireen difaacyadii kooxda alshabaab mana cada khasaaraha labada dhinac kala gaaray.

Sidoo kale Diyaaradaha wadamada saaxiibka la ah Dowada ayaa duqeymo u gaystay isla dagaalamayaasha Alshabaab ee ku sugan aaga deegaanka Jeex-jeexa waxaana warar aan wali la xaqiijin ay sheegayaan in duqeynta lagu dilay saraakiil iyo xubno kale oo alshabaab ka mid ahaa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDAAWO:-Banaan-bax weyn oo reer Burco kaga hor yimaadeen Damaca Itoobiya
Next articleBooliiska oo qabtay askari dil u geystay qof shacaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here