BAYDHABA (DAYNIILE.COM)- Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay saacadihii la soo dhaafay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa Maamulka Kofur-galbeed ku leeyihiin deegaanka Burjeed ee duleedka Baydhaba.
Dadka shacabka ayaa laga soo xigtay inay ka war heleen dagaalka mar kaliya halkaasi ka qarxay iyo hugunka rasaasta labada dhinac is dhaafsadeen xili cabsi ay soo wajahday inkastoo aaney barakicin.
Dagaalka waxaa la sheegay inay labada dhinacba ka soo gaareen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh walow aan tira sugan wali laa soo tabin aagaga lagu dagalamay.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay inay weerarka iyaga soo qaadeen,waxay xuseen inay askar ka dileen ciidamada Dowlada iyo maamulka Koofur-galbeed inkastoo tira sugan aysan sheegan.
Saraakiisha ciidamada Dowlada Somalia ayaa laga soo xigtay inay xaa;ladu degan tahay saaka islamarkana ay si fiican isaga difaaceen weerarka kooxda Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
