WALA-WEYN (DAYNIILE.COM)-Dagaal culus ayaa la soo sheegayaa inuu caawa ka dhacay deegaanka Yaaqbari-weyne ee Gobolka Shabeelaha hoose kaasoo u dhexeeyay milaterig Dowlada Somalia iyo maleeshiya beeleed ku heyb ah Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow kuwaasoo qaarkood dhawaan Maxkamada Ciidamadu ku xukuntay dil toogasho ah.
Ciidamada Dowlada ayaa baadi goob ugu jirey maleeshiyaadkaasi tan iyo markii Maxkamadu dil ku xukuntay,asbuucii hore mid ka mid ah ayay dileen milateriga Dowlada kaasoo ka mid ahaa ragii dilka ku xukunaa markii lagu eedeeyay isaga iyo kuwa hada la raadinayo inay dilal ka heysteen isla aaga caawa lagu dagaalamay.
Dagaalka waxaa la soo sheegayaa inuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo wada gaaray dhinacyada dagaalamay walow aaney Dowladu wali ka hadlin inkastoo dagaalku mar dhawaa ahaa oo ay adag tahay in xog laga helo.
Dhanka kale dhaawacyada ayaa la soo sheegayaa in la gaarsiiyay goobaha caafimaadka ee ku yaal Magaalada Wala-weyn oo ku dhaw tuulada Yaaqbariweyne.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
