Waxaa Saaka waabirigii weerar madaafiic qaaday  Jabhadaha Qaza ku sugan ee reer Falastiin,Muuqaalada warbaahinta Dunida ayaa soo bandhigeen gantaalo badan oo is garab socda.

Gantaaladaan ayaa ku hoobtay Caasimada Yuhuuda iyadoo shacabka halkaasi ku dhaqan ku waabariisteen madaafiicdaasi taasoo baxdin iyo rucbi ku abuurtay Gaalada Gaalada Israa’iil.

Advertisement

Afhayeenka ciidamada Israa’iil Richard Hecht oo durba ka hadlay dagaalka lagu qaaday ayaa cadeeyay in weerar lagu soo qaaday wuxuuna xusay inay  la dagaalamayaan mintidiin kaga yimid Gaza.

“waxay naga soo weerareen cirka,dhulka iyo badda waana la dagaalaynaa” ayuu yiri Afhayeenka Yuhuuda

Dagaalka Saaka ay qaadeen reer Falastiin ma ahayn mid ay filayeen Yuhuuda waxayna ku abuurtay walaac iyadoo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in Shir degdeg ah ay ka leeyihiin arintaasi madaxda iyo saraakiisha sar sare ee Yuhuuda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleShir ku saabsan wajiga 2aad ee dagaalka Alshabaab oo ka furmay Baydhabo+Sawirro
Next articleCiidamada Kenya oo shacab Soomaali ah siiyay tababar sida lagu garto walxaha qarxa+Sawiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here