CAAD (DAYNIIILE.COM)-Wararka laga helaayo Deegaanka Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Saaka aroortii kooxda Alshabaab weerar culus ku soo qaadeen deegaankaasi oo dhawaan Ciidamada Dowladu la wareegeen.

Kooxda Alshabaab ayaa dhowr jiho ka soo weerartay deegaankaasi iyagoo qorshahoodu ahaa inay qabsadaan balse iska caabinn xooggan ayay kala kulmeen ciidamada Dowlada, macawisleyda iyo daraawiishta Gal-mudug oo isku dhinac ah.

Advertisement

Warar kala duwan ayaa laga helayaa kuwaasoo qaaroood sheegayaan labada dhinacba dhimashada iyo dhaawucu badan yahay inkastoo war rasmi ah laga heyn tirada saxda ah.

Sidoo kale waxaa jira warar hubanti la’aan ah oo sheegaya in gacan ku heynta deegaankaasi uu saaka galay is jiid jiid balse warar dhanka dowlada ka soo baxay waxaa lagu sheegay in gabi ahaanba werrarkii Alshabaab la fashiliyay cashirna loo dhigay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDAAWO:Xildhibaano badan oo ka soo horjeestay kulanka beri ee wax ka badalka Dastuurka
Next articleKooxaha kubada cagta ee Gal-mudug iyo Banaadir oo galabta midkood fiinaal u gudbi doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here