Dagaal  geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawsiihta dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihiin duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Jubbaland degaanka Singaleyr ee duleedka Magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka ku dhaawacmay laba kamid ah askarta  Maamulka Jubbaland.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka lagu dagaalamay ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, hayeeshee dhowr jeer sidaan oo kale uu uga dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here