HomeWarkiiDagaal  dhexeeya ciidamada Dowlada iyo Maleeshiya Beeleed ka qarxay Deegaanka Yaaqbari-weyne.

Dagaal  dhexeeya ciidamada Dowlada iyo Maleeshiya Beeleed ka qarxay Deegaanka Yaaqbari-weyne.

WALA-WEYN (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Deegaanka Yaaqbari-weyne oo hoos taga Magaalada Wala-weyn ee Gobolka shabeelaha hoose  ayaa sheegaya inuu ka qarxay dagaal u dhexeeya ciidamada Dowlada iyo Maleeshiya Beeleed deegaankaasi ka soo jeeda.

Wararka qaar aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalkaani uu yimid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa milateriga Somalia oo yaaqbari-weyne ku sii jeeday ay jida u galeen maleeshiya beeleed hubeysan kuwaasoo doonaya inay diaacaan maleeshiyaad Dowladu dil toogasho ah ku xukuntay dhawaan.

Ciidamada Milateriga waxaa la sheegay inay u socdeen yaaqbari-weyne si ay usoo qabtaan laba nn oo dhawaan Maxkamada  ciidamadu dil ku xukuntay balse sida aan warka ku helnay maleeshiya beeleed ku heyb ah gacan ku dhiiglayaasha ayaa isku soo abaabulay  inay hor istaagaan ciidamada Dowlada ee doonaya inay soo qabtaan maleeshiyaadka dilka ku ku xukuman.

Inkastoo wali faah-faahin aan laga helin dagaalkaasi inuu ka dashay khasaare nafeed ayaa hadana wararka aan heleyno waxay sheegayaan in maleeshiya beeleedkasi oo u dhashay Beesha Gaal-jecel ay xitaa gurmad ka keensadeen Gobolka Hiiraan si ay u difaacaan maleeshiyaadka Dowladu rabto inay tiirka togashada geyso.

Maleshiyaadka ka yimid Hiiraan waxaa la soo sheegayaa inay wataan gaadiid dagaal islamarkaana ay hada iskugu yimaadeen yaaqbari-weyne.

Labada nin ee Dowladu dooneyso inay soo xirto si loo toogto ayaa maalmihi ugu danbeeyay waxay baraha bulshada ku shaacinayeen muuqaalo ay iska soo duubeen iyagoo cadeysanaya inay Dowlada dagaal la galayaan, xili ay sheeganayaan in Dowladu uga hiilineyso qabiil iyaga dagaal uu kala dhexeeyo, halka Dowladu dhawaan kala xukuntay dilal labada reer dhexmaray iyadoo labada nin ee la baadi goobayo ay ku jiraan kuwa dilalka lagu xukumay.

Lama ogo talaabada Dowladu qaadi doonto madaama maleeshiyaadkaasi hor taagan yihiin fulinta amarka maxkamada ciidamada qalabka sida.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -