Dagaalka ayaa xalay xilli dambe waxaa uu Ciidamada Puntland iyo Xubno kantirsan Ururka Al-Shabaab uu ku dhexmaray buuraha dhanka waqooyi kaga beegan tuulada Af- Urur oo ka tirsan Gobolka Bari.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Puntland ay weerareen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo buuraha isku urursanayay si ay soo weeraraan tuulada Af-Urur oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Puntland.

Saraakiil ka tirsan  Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in Ciidamadu ay howlgal ka fuliyeen Buuraha dhanka Waqooyi ee tuulada Af-urur iyo wadada aada dhinaca Sugurre.

Saraakiishu ma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalka, hayeeshee ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee laga fulinayo dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weeraro hoobiyeyaal ah iyo kuwo toos ah ku qaadeen degaanka Af-urur, halkaas oo ay fariisin weyn ku leeyihiin Ciidamada dowlad Goboleedka Ountland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here