HomeWarkiiDagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo Garowe ku dhexmaray Ciidao Puntlad ka...

Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo Garowe ku dhexmaray Ciidao Puntlad ka wada tirsan

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay wuxuu ka dhacay Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland kaasoo u dhexeeyay Daraawiishta iyo Booliiska oo dhamaantood ciidamada Puntland ka wada tirsan.

Dagaalku wuxuu si gaar ah uga dhacay saldhiga Booliska Garowe markii ay soo weerareen ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta oo ka xanaaqsanaa xarig Booliisku dhawaan u geysteen ciidamo daraawiishta ka tirsan oo waliba ay hogaaminayeen kuwii xariga loo geystay laftigooda.

Inta laga war hayo 1 askari ayaa ku dhintay halka 3 kalana ku dhaawacmeen dagaalkaasi oo hubka nuucyadiisa kala duwan la isku adeegsaday xili shacabku iyagoo jiifa ku soo tooseen dagaalka ka qarxay saldhiga iyo daryanka rasaasta la is dhaafsanayay.

War dhanka Booliiska laga helay ayay ku sheegeen in dhamaan dhimashada iyo dhaawacaba uu gaaray dhanka daraawiishta weerarka soo qaaday balse aysan iyagu wax khasaare ah ka soo gaarin dagaalka,saraaiisha waxay sheegeen in hada lagu soo baxay lana xaliyay si kumeel gaar ah islamarkaana aysan jirin wax is hor fadhita iyo wax xiisad ah oo taagan intaba.

Saraakiisha Booliisku waxay ku macneeyeen dagaalka inuu ka dhashay markii dhawaan booliisku howlgal amni ay sameynayay ay ku dhaawaceen qaar ka mid ah ciidamada daraawiishta kuwaasoo qaarkood markii ay soo caafimaadeen xalay werarkaani soo hogaamiyeen.

Madaxda  iyo saraakiisha sar sar ee Hay’adaha maanka Maamulka Puntland wali kama hadlin dhacdada xalay ee Garoowe bartamaheeda ku dagaalameen ciidamo Maamulka ka wada tirsan kuwaasoo dhimasho iyo dhaawacba is gaarsiiyay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -