HomeWarkiiDagaal dhimasho iyo dhaawacba gaystay oo gudaha Laas-caanodo ka dhacay

Dagaal dhimasho iyo dhaawacba gaystay oo gudaha Laas-caanodo ka dhacay

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Is araaseyn xooggan oo sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay ka dhacday gudaha Magaalada Laas-caanodo ee xarunta Maamulka cusub ee Waqooyi Bari.

Dagaalka oo waqti kooban socday ayaa u dhexeeyay ciidamada amaanka ee Maamulka Waqooyio Bari iyo maleeshiyaad hubeysan oo deegaanka ka soo jeeda kuwaasoo ku sugna guri Magaalada ku yaal xili ciidamada amaanku weerareen.

Inta la ogyahay hal askari oo ka tirsan maamulka iyo qof shacaba ayaa ku dhintay is rasaaseynta ka dhacday Laas-caanood.

Warar ayaa sheegaya in maleeshiyaadkaani dhawaan magaalada ku dileen askari ka tirsan maamulka waqooyi bari gaar ahaana ilaalada Hogaamiye Firdhiye ka tirsan.

Sarakiisha Ciidamada Maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegay in howlgalada amniga ay ku sugayaan ay sii wadi doonaan islamarkaana ay maleeshiyaadkana sharci hor keeni doonaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -