Guri-ceel (dayniiile.com)-Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud waxaa laga soo sheegayaa in dagaal khasaare nafeed gaystay uu ka dhacay Magaaladaasi.

Dagaalkan ayaa ahaa mid u dhexeeyay ciidamada amaanka Magaalada iyo kooxo burcad ah waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Advertisement

Inta la ogyahay laba qof ayaa ku dhinteen ilaa 4 kalena way ku dhaawacmeen iska hor imaadkaani.

Inta badan sida wararka aan ku helnay dadka wax ku noqday dagaalkaani waxaa  u badnaa shacab iyadoo 2-da dhimatay midi shacab ahaa halka kan kale ahaa askari Booliis ah.

Sidoo kale 4-ta dhaawaca waxaa la sheegay inay 2 yihiin shacab halka labada kale yihiin ciidamada Booliiska kuwaasoo la gaarsiiyay goobaha caafimaadka.

Si kastaba Ciidamada amaanka ayaa wada howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxihii burcada ahaa ee intaas oo dhibaato ah gaystay. kuwaasoo aan wali gacanta lagu dhigin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleWasiirad Soomaailiyeed oo u tartameysa Bilada Afrika
Next articleHay’ada Mareynta Masiibooyinka oo shaacisay inay beri Gobolka Geddo gaarsiineyso gargaar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here