BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Bosoaaso ee xarunta Gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay dagaal sababay khasaare nafeed oo kala duwan.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalku ka dhacay suuqa qaadka lagu iibiyo kadib markii laba asakari ay suuqa isku rasaaseeyeen waxaana ay sababtay dhimasahda 1 ruux iyo dhaawaca laba kale.
Qofka dhintay ayaa ahaa askari ka tirsan kuwa Puntland ee sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan  PMPF waxaana lagu magacaabi jirey Maxamed Cali Jaamac,sidoo kale waxaa ku dhaawacmay labadii askari ee rasaasta furayay kuwaasoo ay haleeshay rasaastii ay is dhaafsanayeen.
Boosaaso waxaa ku soo badanaya ciidamada dhexdooda is rasaasenayua walina hay’adaha amniga kama hadlin falka maanta ka dhacay bartamaha Magaalada Boosaaso.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
